Baidoa Municipality https://baidoadistrict.sw.so Fri, 06 Feb 2026 17:14:32 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=6.9.4 https://baidoadistrict.sw.so/wp-content/uploads/2023/10/cropped-IMG_4303-32x32.jpg Baidoa Municipality https://baidoadistrict.sw.so 32 32 Gudoomiyaha Degmada Baydhabo oo Madax heer caalami ku Soo dhaweyey Xaruunta Dowlada Hoose https://baidoadistrict.sw.so/2026/02/06/gudoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-madax-heer-caalami-ku-soo-dhaweyey-xaruunta-dowlada-hoose/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/02/06/gudoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-madax-heer-caalami-ku-soo-dhaweyey-xaruunta-dowlada-hoose/#respond Fri, 06 Feb 2026 17:14:32 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2867 Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa maanta Xarunta Dowladda Hoose ku soo dhaweeyey wafdi heer caalami ah oo ka socday hay’ado kala duwan.

 

Wafdigan oo uu hoggaaminayey Madaxa Swiss Development and Cooperation (SDC), oo sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha IOM, UNDP, iyo UN-Habitat.

 

Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyey xafiisyada Dowladda Hoose iyo habka ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee maamulka degmada, iyagoo si gaar ah u eegay hannaanka shaqo, adeeg bixinta bulshada, iyo maamulka guud ee Dowladda Hoose.

 

Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Degmada iyo qaar kamid ah Agaasimiyaasha Dowladda Hoose, waxaana kulankaasi looga hadlay horumarinta mashaariicda ka socda magaalada Baydhabo iyo taageerada ay hay’adaha caalamiga ah wadaan, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, adeegyada bulshada iyo qorsheyaasha horumarineed ee degmada.

 

Intii uu socday kormeerka, wafdiga ayaa mid mid u booqday xafiisyada maamulka iyo waaxyaha kale ee muhiimka ah, iyagoo warbixinno ka dhageystay masuuliyiinta waaxyahaasi, kana xog-wareystay baahiyaha iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Dowladda Hoose.

 

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda, isagoo tilmaamay in Dowladda Hoose ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee wax ka taraya bulshada.

 

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/02/06/gudoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-madax-heer-caalami-ku-soo-dhaweyey-xaruunta-dowlada-hoose/feed/ 0 2867
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Oo Shir Guddoomiyey Kulan Lagu Qiimeynayey Mashaariicda Wadooyinka Capable Stone https://baidoadistrict.sw.so/2026/01/21/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyey-kulan-lagu-qiimeynayey-mashaariicda-wadooyinka-capable-stone/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/01/21/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyey-kulan-lagu-qiimeynayey-mashaariicda-wadooyinka-capable-stone/#respond Wed, 21 Jan 2026 08:36:29 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2864 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼:𝗝𝗮𝗻,𝟮𝟭-𝟮𝟬𝟮𝟱

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dib-u-eegista faa’iidooyinka laga dhaxlay mashaariicda dhismaha wadooyinka Capable Stone ee laga hirgeliyey xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo, iyo sidoo kale xalinta caqabadaha weli taagan.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha Haweenka Degmada, Guddoomiyaha Dhalinyarada, madax ka socday Hey’adda ILO, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha tabaneyaasha xaafadaha, iyo wakiillo ka socday bulshooyinka xaafadaha magaalada, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta guud ee mashruuca.

Inta badan kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashruuca dhismaha wadooyinka Capable Stone, gaar ahaan wajigiisa labaad oo gebogebo maraya, iyadoo la is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan faa’iidooyinka uu mashruucu u leeyahay bulshada, sida fududeynta isu socodka, kobcinta ganacsiga, iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Sidoo kale, ka qeybgalayaasha kulanka ayaa falanqeeyey caqabadaha jira inta lagu guda jiro hirgelinta mashaariicda, waxaana la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda hoose, hey’adaha ka shaqeeya horumarinta, iyo bulshada deegaanka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la diyaariyo qorshayaal lagu dhisayo wadooyin hor leh, si loo sii ambaqaado horumarka ka socda magaalada Baydhabo, loona xaqiijiyo in bulshadu ay ka faa’iideysato mashaariic waara oo tayo leh.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦
𝗪𝗲𝗯𝘀𝗶𝘁𝗲:

 

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/01/21/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyey-kulan-lagu-qiimeynayey-mashaariicda-wadooyinka-capable-stone/feed/ 0 2864
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo kulan laqaatey Madax ka soctay Dowlada Sweden https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/06/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-laqaatey-madax-ka-soctay-dowlada-sweden/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/06/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-laqaatey-madax-ka-soctay-dowlada-sweden/#respond Thu, 06 Nov 2025 11:04:42 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2859 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼: 𝗡𝗼𝘃𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿,𝟲,𝟮𝟬𝟮𝟱

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hay’adda NRC

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa maamulka degmada iyo hay’adaha ay taageerto Dowladda Sweden.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada biyo gelinta, waxbarashada, Hormarinta Wadooyin iyo taageerada barakacayaasha.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden iyo Hay’adda NRC taageerada joogtada ah ee ay siiyaan bulshada degmada, isagoo xusay in iskaashigaasi uu gacan ka geysanayo dib u dhiska iyo horumarinta Magalada Baydhabo.

 

Wafdiga ka socday Dowladda Sweden iyo NRC ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan bulshada deegaanka, iyagoo bogaadiyey sida maamulka degmada uu u fududeeyo howlaha horumarineed ee ay hay’aduhu ka wadaan magaalada Baydhabo.

 

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/06/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-laqaatey-madax-ka-soctay-dowlada-sweden/feed/ 0 2859
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo Xariga ka jarey Wadada Gasha Gerbooda Baydhabo https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/05/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xariga-ka-jarey-wadada-gasha-gerbooda-baydhabo/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/05/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xariga-ka-jarey-wadada-gasha-gerbooda-baydhabo/#respond Wed, 05 Nov 2025 12:12:38 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2856 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼: 𝟱 𝗡𝗼𝗼𝗳𝗮𝗺𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin, Wasiirka Howlaha Guud iy guriyeenta iyo Gudoomiyaha Gobalka bay Ayaa Manta Xariga ka jarey Wadada Gasha Gerbooda Baydhabo.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb ka ahaa madax ka socotay Dowladda Sweden.

Wadadan oo dhismeheeda ay iska kaashadeen Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo, Hey’adda NRC, iyo Dowladda Sweden, ayaa horey dhibaatooyin badan uga haystay beeraleyda, dalxiisayaasha, iyo dadka deegaanka ee ku nool xaafadaha ku dhow.

Dhismaha cusub ee wadadan ayaa loo sameeyay si casri ah, taasoo hadda suurta gelisay in si fudud ay u isticmaalaan gaadiidka iyo dadka lugaynaya, iyadoo kor u qaadeysa isku xirka xaafadaha magaalada iyo Gerbooda.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Abdullahi Ali Watiin, oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden iyo hey’adda NRC taageerada ay la garab taagan yihiin degmada, isagoo ballan qaaday in Dowladda Hoose ay dhameystiri doonto qaybo ka mid ah Wadadaan,

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu Dowladda Sweden ka codsaday in ay gacan ka geystaan dhameystirka inta kale ee dhiman, si loo xaqiijiyo in wadada si buuxda ugu adeegto bulshada.

 

Dhismaha Wadada Gasha Gerbooda ayaa ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Baydhabo, kuwaas oo kor u qaadaya bilicda iyo isku socodka ganacsiga magaalada , Maamulka Degmada Baydhaboo Ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu hormarinayo Magalada Baydhabo.

 

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

 

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

 

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/05/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xariga-ka-jarey-wadada-gasha-gerbooda-baydhabo/feed/ 0 2856
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo ka qeybgalay Shir lagu falanqeynayay Horumarinta Magaalooyinka ee ka dhacay Nairobi https://baidoadistrict.sw.so/2025/10/30/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-ka-qeybgalay-shir-lagu-falanqeynayay-horumarinta-magaalooyinka-ee-ka-dhacay-nairobi/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/10/30/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-ka-qeybgalay-shir-lagu-falanqeynayay-horumarinta-magaalooyinka-ee-ka-dhacay-nairobi/#respond Thu, 30 Oct 2025 06:09:02 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2853 Nairobi, Kenya – 30 Oktoobar 2025

 

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa ka qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta magaalooyinka Soomaaliya, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka (World Bank).

Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa ka soo qeybgalay Duqeyda magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyo sidoo kale Wasaaradaha Howlaha Guud ee heer Federal iyo Dowlad-Goboleed, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo maamul wanaagga magaalooyinka.

Sidoo kale Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay mashaariicda dhismaha waddooyinka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo magaalooyinka dalka

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa inta lagu guda jiray shirka ka hadlay doorka muhiimka ah ee Baydhabo kaga jirto horumarinta magaalooyinka dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in la dardargeliyo mashaariicda la xiriirta biyaha, nadaafadda, iyo waddooyinka si loo hagaajiyo nolosha bulshada ku nool magaalada Baydhabo.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada uu siiyo magaalooyinka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in iskaashiga noocan ah uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Shirkan wuxuu qab ka noqon doonaa dadaalada Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada uu ka wado Qorshiyaasha Hormarineed ee Magalada Baydhabo ee ku saabsan kordhinta wada shaqeynta u dhexeysa maamulada magaalooyinka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera barnaamijyada horumarinta magaalooyinka Soomaaliya.

 

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

 

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/10/30/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-ka-qeybgalay-shir-lagu-falanqeynayay-horumarinta-magaalooyinka-ee-ka-dhacay-nairobi/feed/ 0 2853
𝗙𝗮𝗿𝗶𝗶𝗻 𝗠𝗮𝗮𝗹 𝗼𝗼 𝘀𝗶 𝘁𝗼𝗼𝘀 𝗮𝗵 𝗺𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝗵𝗳𝘂𝗿𝗲𝘆 https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/23/%f0%9d%97%99%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%bf%f0%9d%97%b6%f0%9d%97%b6%f0%9d%97%bb-%f0%9d%97%a0%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b9-%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%bc-%f0%9d%98%80%f0%9d%97%b6-%f0%9d%98%81%f0%9d%97%bc/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/23/%f0%9d%97%99%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%bf%f0%9d%97%b6%f0%9d%97%b6%f0%9d%97%bb-%f0%9d%97%a0%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b9-%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%bc-%f0%9d%98%80%f0%9d%97%b6-%f0%9d%98%81%f0%9d%97%bc/#respond Tue, 23 Sep 2025 14:44:38 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2821 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼, 23 𝗦𝗲𝗯𝘁𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 –

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray website-ka cusub ee “Fariin Maal”, kaas oo u sahlaya bulshada degmada inay si toos ah ula wadaagaan maamulka fikirradooda, baahiyahooda, iyo soo jeedintooda.

Xafladda daahfurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada, agaasimayaal, iyo marti sharaf kale oo kala duwan. Website-kan cusub ayaa qayb muhiim ah ka noqonaya is-dhexgalka bulshada iyo maamulka, isagoo fududeynaya habka wada-shaqeynta iyo wada-xaajoodka bulshada iyo maamulka degmada.

Guddoomiyaha Degmada Ahna duqa Magalada Abdullahi Ali Watiin ayaa xafladda ka sheegay in website-kan uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada degmada iyo dhageysiga codka shacabka.

Website-ka “Fariin Maal” ayaa hadda diyaar u ah in bulshada degmada Baydhabo ay si fudud ugu gudbiyaan talooyinka, cabashooyinka, iyo soo jeedinta ku saabsan horumarinta magaalada.

 

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/23/%f0%9d%97%99%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%bf%f0%9d%97%b6%f0%9d%97%b6%f0%9d%97%bb-%f0%9d%97%a0%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b9-%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%bc-%f0%9d%98%80%f0%9d%97%b6-%f0%9d%98%81%f0%9d%97%bc/feed/ 0 2821
𝐆𝐮𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱 𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐒𝐈𝐍𝐀𝐀𝐍 𝐩𝐫𝐨𝐣𝐞𝐜𝐭 https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/23/%f0%9d%90%86%f0%9d%90%ae%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%b2%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%a1%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%83%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%a0%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%9a/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/23/%f0%9d%90%86%f0%9d%90%ae%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%b2%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%a1%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%83%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%a0%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%9a/#respond Tue, 23 Sep 2025 14:35:58 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2817 Baydhabo – 23 Sebteembar 2025

Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay madax ka socotay SINAAN Project.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta mashaariicda dowlad-hoose, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray guulaha laga gaaray dadaallada ku saabsan xalka waara, qorshayaasha cusub ee degmada, iyo sidoo kale arrimaha shaqo-abuurka ee bulshada.

Shirkan waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiye ku-xigeennada degmada iyo Agaasimeyaasha dowlad-hoose, kuwaas oo soo bandhigay warbixino iyo talooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee magaalada Baydhabo.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

 

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/23/%f0%9d%90%86%f0%9d%90%ae%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a8%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%a2%f0%9d%90%b2%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%a1%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%83%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%a0%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%9a/feed/ 0 2817
Guddoomiyaha Degmada oo Kulan La Qaatay IOM iyo International Trade Center https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/16/guddoomiyaha-degmada-oo-kulan-la-qaatay-iom-iyo-international-trade-center/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/16/guddoomiyaha-degmada-oo-kulan-la-qaatay-iom-iyo-international-trade-center/#respond Tue, 16 Sep 2025 14:29:01 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2813 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨, 𝟏𝟔 𝐒𝐞𝐛𝐭𝐞𝐞𝐦𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓 –

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay madax ka socotay hay’adaha IOM iyo International Trade Center (ITC).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dhaqaalaha deegaanka, loo horumarin lahaa ganacsiga iyo sidii shaqo abuur loo sameyn lahaa bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, haweenka iyo Dadka danyarta ah

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa sheegay in Baydhabo ay diyaar u tahay in ay ka shaqeyso qorshayaal wax ku ool ah oo wax ka beddela nolosha bulshada, isagoo xusay in iskaashiga hey’adaha caalamiga ah uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar waara.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu horumarinayo dhaqaalaha gudaha iyo abuurista fursado shaqo, taas oo lagu yareynayo caqabadaha dhaqaale ee bulshada ku haysa Degmada Baydhabo.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/16/guddoomiyaha-degmada-oo-kulan-la-qaatay-iom-iyo-international-trade-center/feed/ 0 2813
𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨𝐨 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/16/%f0%9d%90%8c%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%ae%f0%9d%90%a5%f0%9d%90%a4%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%83%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%a0%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%81/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/16/%f0%9d%90%8c%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%ae%f0%9d%90%a5%f0%9d%90%a4%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%83%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%a0%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%81/#respond Tue, 16 Sep 2025 14:24:27 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2810 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼, 𝟭𝟲 𝗦𝗲𝗯𝘁𝗲𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 –

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Abdullahi Ali Watiin, iyo Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Koonfur Galbeed, ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee hoolka weyn ee Dakhliga Degmada Baydhabo.

Hoolkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo nidaamka maamulka Degmada iyo shirarka Maamulka , iyadoo loo diyaariyey qalab casri ah oo fududeynaya shirarka iyo isku imaadha Maamulka iyo Shacabka Magalada

Guddoomiyaha degmada Mudane Abdullahi Ali Watiin oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in hoolkan cusub uu qayb weyn ka qaadan doono hagaajinta adeegyada iyo kor u qaadista isku imaadhaha shirararka degmada. Wuxuuna xusay in maamulka degmada iyo shacabka Baydhabo ay ka faa’iideysan doonaan adeeg hufan oo casri ah.

Dhanka kale, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey mashruuca, isaga oo ku tilmaamay mid muujinaya dadaalka maamulka degmada Baydhabo ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo nidaamka maamulka dawladda hoose.

Dhismahan ayaa ka mid ah dadaallada socda ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo maamulka degmada Baydhabo, iyadoo maamulka degmada uu sheegay in qorshayaal kale oo dhismooyin iyo adeegyo bulsho ah ay ku socdaan heerar kala duwanee Degmada Baydhabo.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/16/%f0%9d%90%8c%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%ae%f0%9d%90%a5%f0%9d%90%a4%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%83%f0%9d%90%9e%f0%9d%90%a0%f0%9d%90%a6%f0%9d%90%9a%f0%9d%90%9d%f0%9d%90%9a-%f0%9d%90%81/feed/ 0 2810
𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼 𝗼𝗼 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗲𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝘁𝗮𝘆 𝗺𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 𝗗𝗮𝗻𝘄𝗮𝗱𝗮𝗮𝗴 https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/09/%f0%9d%97%9a%f0%9d%98%82%f0%9d%97%b1%f0%9d%97%b1%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%ba%f0%9d%97%b6%f0%9d%98%86%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b5%f0%9d%97%ae-%f0%9d%97%97%f0%9d%97%b2%f0%9d%97%b4%f0%9d%97%ba-2/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/09/%f0%9d%97%9a%f0%9d%98%82%f0%9d%97%b1%f0%9d%97%b1%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%ba%f0%9d%97%b6%f0%9d%98%86%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b5%f0%9d%97%ae-%f0%9d%97%97%f0%9d%97%b2%f0%9d%97%b4%f0%9d%97%ba-2/#respond Tue, 09 Sep 2025 12:29:56 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2807 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼, 𝟵 𝗦𝗲𝗯𝘁𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 –

 

Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa maanta kulan la qaatay madax ka socotay Mashruuca Danwadaag.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha xalka waara, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowlada hoose, iyo sidoo kale dhageysiga baahiyaha mashaariicda ee degmada Baydhabo.

 

Guddoomiye Abdullahi Ali Watiin ayaa uga mahadceliyay madaxda Danwadaag taageerada ay la garab taagan yihiin degmada,

 

 

wafdiga ka socday Mashruuca Danwadaag ayaa ballanqaaday inay sii xoojin doonaan taageerada ku aaddan mashaariicda lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo dhismaha adeegyada dowlad hoose.

 

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

 

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/09/09/%f0%9d%97%9a%f0%9d%98%82%f0%9d%97%b1%f0%9d%97%b1%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%bc%f0%9d%97%ba%f0%9d%97%b6%f0%9d%98%86%f0%9d%97%ae%f0%9d%97%b5%f0%9d%97%ae-%f0%9d%97%97%f0%9d%97%b2%f0%9d%97%b4%f0%9d%97%ba-2/feed/ 0 2807