Baidoa Municipality https://baidoadistrict.sw.so Tue, 15 Sep 2026 08:04:28 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=7.1 https://baidoadistrict.sw.so/wp-content/uploads/2023/10/cropped-IMG_4303-32x32.jpg Baidoa Municipality https://baidoadistrict.sw.so 32 32 Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-la-qaatay-wasiirka-wasaaradda-cadaaladda-iyo-garsoorka-dowladda-koonfur-galbeed-soomaaliya/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-la-qaatay-wasiirka-wasaaradda-cadaaladda-iyo-garsoorka-dowladda-koonfur-galbeed-soomaaliya/#respond Tue, 15 Sep 2026 08:04:28 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2997
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta dowladda hoose iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada cadaaladda iyo garsoorka ee bulshada ku nool magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, si shacabka loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo cadaalad ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
DHAMMAAD
𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼
]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-la-qaatay-wasiirka-wasaaradda-cadaaladda-iyo-garsoorka-dowladda-koonfur-galbeed-soomaaliya/feed/ 0 2997
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hay’adda WFP. https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-madax-ka-socotay-hayadda-wfp/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-madax-ka-socotay-hayadda-wfp/#respond Tue, 15 Sep 2026 07:42:37 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2994
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalay) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Maamulka Degmada Baydhabo iyo Hay’adda WFP, iyo sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada iyo taageerada loo fidiyo bulshada magaalada Baydhabo.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Degmada Baydhabo iyo Xoghaya Dowlada Hoose, kuwaas oo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo dhex mara maamulka degmada iyo hay’adaha samafalka.
Duqa Degmada Baydhabo, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalay, ayaa soo dhaweeyay wafdiga WFP, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo lagu taageerayo bulshada iyo horumarinta adeegyada degmada.
DHAMMAAD
𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼
]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-madax-ka-socotay-hayadda-wfp/feed/ 0 2994
Guddoomiyaha Degmada Baydhaba oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socotay Hay’adda (UNOPS) https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhaba-oo-kulan-la-yeeshay-masuuliyiin-ka-socotay-hayadda-unops/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhaba-oo-kulan-la-yeeshay-masuuliyiin-ka-socotay-hayadda-unops/#respond Tue, 15 Sep 2026 07:28:51 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2991
Guddoomiyaha Degmada Baydhaba Ahna duqa Magalada Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalay) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Baydhabo.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Maamulka Degmada Baydhaba iyo UNOPS, gaar ahaan hirgelinta mashaariicda wax ka tari kara adeegyada bulshada iyo horumarka degmada.
Guddoomiyaha Degmada Baydhaba ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo lala yeesho hay’adaha taageera horumarinta degmada, isagoo uga mahadceliyay UNOPS taageerada ay ka geysato mashaariicda horumarineed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta mashaariicda socda iyo in la xoojiyo iskaashiga mustaqbalka.
DHAMMAAD
𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼
]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/09/15/guddoomiyaha-degmada-baydhaba-oo-kulan-la-yeeshay-masuuliyiin-ka-socotay-hayadda-unops/feed/ 0 2991
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda GREDO https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-masuuliyiin-ka-socday-hayadda-gredo/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-masuuliyiin-ka-socday-hayadda-gredo/#respond Tue, 16 Jun 2026 08:07:33 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2949
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan (Sate) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda GREDO, iyadoo kulanka uu ku saabsanaa xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo taageerada dadka nugul ee ku nool Degmada.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga ka dhexeeya Maamulka Degmada iyo Hay’adda GREDO, si loo gaaro adeegyo iyo mashaariic wax ku ool ah oo lagu taageerayo Bulshada danyarta ah, gaar ahaan qoysaska nugul, Haweenka, Carruurta iyo Dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Guddoomiyaha Degmada ayaa uga mahadceliyay Hay’adda GREDO dadaallada ay ku bixiso taageerada bulshada, isagoo xusay in maamulka degmada uu diyaar u yahay la shaqeynta hay’adaha ka qeyb qaadanaya horumarinta iyo samafalka bulshada.
Mas’uuliyiinta GREDO ayaa dhankooda sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan dadka nugul, ayna muhiimad gaar ah siinayaan wada-shaqeyn dhow oo ay la yeeshaan maamulka degmada si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo bulshada faa’iido u leh.
]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-masuuliyiin-ka-socday-hayadda-gredo/feed/ 0 2949
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo ka qaybgalay bandhig lagu soo bandhigayay wax soo saarka dalagyada https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-ka-qaybgalay-bandhig-lagu-soo-bandhigayay-wax-soo-saarka-dalagyada/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-ka-qaybgalay-bandhig-lagu-soo-bandhigayay-wax-soo-saarka-dalagyada/#respond Tue, 16 Jun 2026 08:04:09 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2946
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan (Sate) ayaa maanta ka qaybgalay bandhig lagu soo bandhigayay wax soo saarka dalagyada kala duwan ee ay soo saareen beeraleyda gobolka, kaas oo lagu muujinayay horumarka laga gaaray wax soo saarka beeraha iyo doorka uu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee bandhigga, isagoo si dhow u daawaday dalagyada iyo wax soo saarka ay beeraleydu soo bandhigeen.
Intii uu ku guda jiray booqashada, wuxuu la kulmay beeraleyda iyo ganacsatada ka shaqeysa silsiladda wax soo saarka beeraha, isagoo ka dhageystay fursadaha iyo caqabadaha ay la kulmaan.
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay dadaalka beeraleyda, wuxuuna sheegay in horumarinta wax soo saarka beeraha ay muhiim u tahay xaqiijinta sugnaanta cuntada, abuurista shaqooyin, iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.
Wuxuu sidoo kale xusay in maamulka degmada uu sii xoojin doono taageerada la siinayo beeraleyda si loo kordhiyo wax soo saarka iyo helitaanka suuqyo ay ku iibiyaan dalagyadooda.
Bandhiggan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo wax soo saarka gudaha, laguna xoojinayo iskaashiga u dhexeeya beeraleyda, ganacsatada, hay’adaha maaliyadeed iyo bahwadaagta horumarinta si loo gaaro horumar waara oo dhanka beeraha ah.
                                                 𝗗𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗱
]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-ka-qaybgalay-bandhig-lagu-soo-bandhigayay-wax-soo-saarka-dalagyada/feed/ 0 2946
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo Shir Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Amniga, Nadaafadda iyo Hormarinta Dakhliga Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo. https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyay-kulan-looga-hadlay-amniga-nadaafadda-iyo-hormarinta-dakhliga-dowladda-hoose-ee-degmada-baydhabo/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyay-kulan-looga-hadlay-amniga-nadaafadda-iyo-hormarinta-dakhliga-dowladda-hoose-ee-degmada-baydhabo/#respond Tue, 16 Jun 2026 07:58:10 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2943
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) oo Shir Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Amniga, Nadaafadda iyo Hormarinta Dakhliga Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka cusub ee Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Haweenka, Xoghayaha Dowladda Hoose, Agaasimeyaasha Dowladda Hoose iyo Guddoomiyeyaasha Tobanka Xaafadood ee degmada Baydhabo.
Kulanka Ayaa Si weyn loogu Soo dhaweyey Hogaamiyaha Cusub ee Dowladd Goboleedka Koonfurgalbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Shekh aadan Madoowe)
Intii uu kulanku socday, Guddoomiyeyaasha Xaafadaha ayaa warbixin ka bixiyay xaaladaha amniga iyo arrimaha bulshada ee xaafadahooda, iyagoo sidoo kale ka hadlay dadaallada lagu xoojinayo nadaafadda deegaanka iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda guud ee nadaafadda magaalada, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Hoose, maamulka xaafadaha iyo bulshada si loo helo magaalo nadiif ah oo bilicsan.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ayaa si qoto dheer uga dooday arrimaha canshuuraha iyo istaraatiijiyadaha lagu hormarinayo dakhliga Dowladda Hoose, si loo kordhiyo adeegyada bulshada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee degmada.
Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa faray dhammaan waaxyaha Dowladda Hoose iyo maamulka xaafadaha inay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, lagu ilaalinayo nadaafadda magaalada iyo kor u qaadista dakhliga Dowladda Hoose si loo gaaro horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka degmada Baydhabo.
]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyay-kulan-looga-hadlay-amniga-nadaafadda-iyo-hormarinta-dakhliga-dowladda-hoose-ee-degmada-baydhabo/feed/ 0 2943
MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO OO XAFLAD SO DHAWEYN U SAMEYEY HOGAAMIYAHA CUSUBEE DOWLADA KOONFURGALBEED https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/maamulka-degmada-baydhabo-oo-xaflad-so-dhaweyn-u-sameyey-hogaamiyaha-cusubee-dowlada-koonfurgalbeed/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/maamulka-degmada-baydhabo-oo-xaflad-so-dhaweyn-u-sameyey-hogaamiyaha-cusubee-dowlada-koonfurgalbeed/#respond Tue, 16 Jun 2026 07:53:14 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2934
Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu muujinayay taageerada loo hayo Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoowe).
Munaasabaddan oo uu soo qabanqaabiyay Maamulka Degmada Baydhabo ayaa waxaa
Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan Sate
Waxaa ka qeyb galay masuuliyiin heer gobol iyo heer federaal ah, odayaal, haween, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Masuuliyiinta ka qeyb galay kulanka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaan Black oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Bay, guddoomiye ku-xigeennada Degmada Baydhabo, Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Baydhabo, hooyooyin, ururrada bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii ay socotay munaasabadda, ka qeybgalayaashu waxay si weyn u bogaadiyeen hoggaanka cusub ee Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoowe), iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay la shaqeynta maamulka cusub si loo xoojiyo amniga, horumarka iyo wadajirka bulshada Koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa ku baaqay in shacabka iyo hay’adaha kala duwan ay garab istaagaan hoggaanka cusub, si loo gaaro himilooyinka la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, nabadgelyada iyo dowlad-dhiska.

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/06/16/maamulka-degmada-baydhabo-oo-xaflad-so-dhaweyn-u-sameyey-hogaamiyaha-cusubee-dowlada-koonfurgalbeed/feed/ 0 2934
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo oo Madax heer caalami ku Soo dhaweyey Xaruunta Dowlada Hoose https://baidoadistrict.sw.so/2026/02/06/gudoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-madax-heer-caalami-ku-soo-dhaweyey-xaruunta-dowlada-hoose/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/02/06/gudoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-madax-heer-caalami-ku-soo-dhaweyey-xaruunta-dowlada-hoose/#respond Fri, 06 Feb 2026 17:14:32 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2867 Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa maanta Xarunta Dowladda Hoose ku soo dhaweeyey wafdi heer caalami ah oo ka socday hay’ado kala duwan.

 

Wafdigan oo uu hoggaaminayey Madaxa Swiss Development and Cooperation (SDC), oo sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha IOM, UNDP, iyo UN-Habitat.

 

Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyey xafiisyada Dowladda Hoose iyo habka ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee maamulka degmada, iyagoo si gaar ah u eegay hannaanka shaqo, adeeg bixinta bulshada, iyo maamulka guud ee Dowladda Hoose.

 

Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Degmada iyo qaar kamid ah Agaasimiyaasha Dowladda Hoose, waxaana kulankaasi looga hadlay horumarinta mashaariicda ka socda magaalada Baydhabo iyo taageerada ay hay’adaha caalamiga ah wadaan, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, adeegyada bulshada iyo qorsheyaasha horumarineed ee degmada.

 

Intii uu socday kormeerka, wafdiga ayaa mid mid u booqday xafiisyada maamulka iyo waaxyaha kale ee muhiimka ah, iyagoo warbixinno ka dhageystay masuuliyiinta waaxyahaasi, kana xog-wareystay baahiyaha iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Dowladda Hoose.

 

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda, isagoo tilmaamay in Dowladda Hoose ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee wax ka taraya bulshada.

 

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/02/06/gudoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-madax-heer-caalami-ku-soo-dhaweyey-xaruunta-dowlada-hoose/feed/ 0 2867
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Oo Shir Guddoomiyey Kulan Lagu Qiimeynayey Mashaariicda Wadooyinka Capable Stone https://baidoadistrict.sw.so/2026/01/21/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyey-kulan-lagu-qiimeynayey-mashaariicda-wadooyinka-capable-stone/ https://baidoadistrict.sw.so/2026/01/21/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyey-kulan-lagu-qiimeynayey-mashaariicda-wadooyinka-capable-stone/#respond Wed, 21 Jan 2026 08:36:29 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2864 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼:𝗝𝗮𝗻,𝟮𝟭-𝟮𝟬𝟮𝟱

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dib-u-eegista faa’iidooyinka laga dhaxlay mashaariicda dhismaha wadooyinka Capable Stone ee laga hirgeliyey xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo, iyo sidoo kale xalinta caqabadaha weli taagan.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha Haweenka Degmada, Guddoomiyaha Dhalinyarada, madax ka socday Hey’adda ILO, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha tabaneyaasha xaafadaha, iyo wakiillo ka socday bulshooyinka xaafadaha magaalada, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta guud ee mashruuca.

Inta badan kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashruuca dhismaha wadooyinka Capable Stone, gaar ahaan wajigiisa labaad oo gebogebo maraya, iyadoo la is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan faa’iidooyinka uu mashruucu u leeyahay bulshada, sida fududeynta isu socodka, kobcinta ganacsiga, iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Sidoo kale, ka qeybgalayaasha kulanka ayaa falanqeeyey caqabadaha jira inta lagu guda jiro hirgelinta mashaariicda, waxaana la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda hoose, hey’adaha ka shaqeeya horumarinta, iyo bulshada deegaanka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la diyaariyo qorshayaal lagu dhisayo wadooyin hor leh, si loo sii ambaqaado horumarka ka socda magaalada Baydhabo, loona xaqiijiyo in bulshadu ay ka faa’iideysato mashaariic waara oo tayo leh.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦
𝗪𝗲𝗯𝘀𝗶𝘁𝗲:

 

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2026/01/21/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-shir-guddoomiyey-kulan-lagu-qiimeynayey-mashaariicda-wadooyinka-capable-stone/feed/ 0 2864
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo kulan laqaatey Madax ka soctay Dowlada Sweden https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/06/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-laqaatey-madax-ka-soctay-dowlada-sweden/ https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/06/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-laqaatey-madax-ka-soctay-dowlada-sweden/#respond Thu, 06 Nov 2025 11:04:42 +0000 https://baidoadistrict.sw.so/?p=2859 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼: 𝗡𝗼𝘃𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿,𝟲,𝟮𝟬𝟮𝟱

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hay’adda NRC

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa maamulka degmada iyo hay’adaha ay taageerto Dowladda Sweden.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada biyo gelinta, waxbarashada, Hormarinta Wadooyin iyo taageerada barakacayaasha.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden iyo Hay’adda NRC taageerada joogtada ah ee ay siiyaan bulshada degmada, isagoo xusay in iskaashigaasi uu gacan ka geysanayo dib u dhiska iyo horumarinta Magalada Baydhabo.

 

Wafdiga ka socday Dowladda Sweden iyo NRC ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan bulshada deegaanka, iyagoo bogaadiyey sida maamulka degmada uu u fududeeyo howlaha horumarineed ee ay hay’aduhu ka wadaan magaalada Baydhabo.

 

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

]]>
https://baidoadistrict.sw.so/2025/11/06/guddoomiyaha-degmada-baydhabo-oo-kulan-laqaatey-madax-ka-soctay-dowlada-sweden/feed/ 0 2859