Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin Ayaa Manta shir-gudoomiyey Kulanka Todobaadlaha ah ee Maamulka Degmada Baydhabo .
Kulanka manta Ayaa waxaa Marti ku ahaa Gudoomiyaha Gobalka Baay Ali Wardheere Abdirahman,
Waxana looga Hadley taakuleynta Dadka Danyarta ah ee ku nool Magalada,
Deriseynta Bulshada,
Qiimeynta wadooyinka Dhismaha u baahan ee Xaafadaha Magalada iyo hormarinta hanaanka Waxbarashada Degmada Baydhabo
Gudoomiyaha Degmada Abdullahi Ali Watiin ayaa warbixinadii joogtada ahaa ee shaqooyinka Maalinlaha iyo Xaaladaha Xaafadaha Magalada ka dhageystey Gudoomiye xaafadeedyada Magalada iyo Agaasimiyaasha waaxaxa Dowlada Hoose.
Ajandooyinka ugu Muhiimsanaa ee kulanka Manta looga Hadley Ayaa waxaa Qeyb ka ahaan taakuleynta Dadka Danyarta ah ee Magalada iyo qaabkii loo sameyn lahaa
Barnaamij loogu magacdarey Deriseynta Shacabka si Boqolkii guriba loogu Sameeyo gudi ka war heyn doono xaalaha Dadka .
Gudoomiyaha Gobalka Baay Ali Wardheere Ayaa aad ugu amaaney Maamulka Degmada Baydhabo shaqooyinka Wanaagsan ee ay haayaan .
ugu Danbeyn Shirka inta uu socdey waaxaxa Dhulka iyo Engenrada ayaa Shirka ku Soo Bandhigey Mashruuc cusub oo lagu Hormarin doono Arimaha Dhulka sida Dhullalka lakala iibsado iyo kuwa la dhisi doono .
