Baidoa Municipality

Baydhabo: Maamulka Degmada oo kulan sagootin iyo bogaadin ah u sameeyay masuul ka tirsan ILO

๐—•๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ: ๐—”๐˜‚๐—ด๐˜‚๐˜€๐˜ ๐Ÿฎ๐Ÿฑ/ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

 

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin,ayaa manta kulan sagootin iyo bogaadin ah u sameeyay Stephan, oo ka mid ahaa madaxda sare ee hayโ€™adda caalamiga ah ee (#ILO) ,Chief Technical Adviser, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay si dhow ula shaqeynayay maamulka degmada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha maamulka degmada, iyo dhammaan shaqaalaha, kuwaas oo ku muujiyey Stephan qadarin iyo bogaadin ku aaddan kaalinta uu ku lahaa taageerada iyo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada shaqo abuurka iyo horumarinta xirfadaha bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Stephan uu door weyn ku lahaa xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa maamulka degmada iyo hayโ€™adda ILO, isagoo ku ammaanay dadaalkiisa iyo sida uu mar walba u garab taagnaa shacabka Baydhabo.

Stephan aya Dhankiisa uga mahadceliyey maamulka degmada Baydhabo soo dhoweyntii iyo wada shaqeyntii wanaagsaneyd ee uu kala kulmay intii uu xilka hayey, isagoo sheegay in Baydhabo ay ka mid tahay meelaha uu ka helay khibrad iyo xusuus wanaagsan.

Kulankan sagootinta iyo bogaadinta ah ayaa ka tarjumaya sida maamulka degmada Baydhabo ay u qiimeeyaan kaalinta hayโ€™adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta bulshada iyo xoojinta adeegyada.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐šย ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จ๐ฆ

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top