Baidoa Municipality

Agaasimaha Waaxda Howlaha Guud, Guriyeenta iyo Maamulka Dhulka ee Degmada Baydhabo Hassan Mo’alim aoo kulan la yeeshay madaxda nootaayooyinka ka howlgala magaalada Baydhabo.

Agaasimaha Waaxda Howlaha Guud, Guriyeenta iyo Maamulka Dhulka ee Degmada Baydhabo Hassan Mo’alim ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay madaxda nootaayooyinka ka howlgala magaalada Baydhabo.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dowladda hoose iyo nootaayooyinka, gaar ahaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada ee qaadashada Sabarloogooyinka dhulalka,
dardargeliyo nidaamka diiwaangelinta dhulka
si loo helo hannaanka maamul dhuleed oo hufan, iyadoo bulshada laga dhaadhicinayo in ay qaataan warqada Lahaanshaha Dhulalka oo sharciyeysan

sidoo kale Waxaa kulanka lagu soo bandhigay nidaamka casriga ah ee STDM (Social Tenure Domain Model) oo ah sistema cusub oo ay hirgelinayso dowladda hoose si loo xoojiyo kaydinta iyo maareynta xogta dhulka.

Madaxda nootaayooyinka ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay hindisaha, waxayna muujiyeen diyaar garow buuxa oo ay kaga qeyb qaadanayaan wacyigelinta iyo hirgelinta nidaamka cusub.

Agaasimaha Waaxda Dhulka oo kulanka ka Hadley ayaa uga mahadceliyey madaxda nootaayooyinka ka qeybqaadashadooda, wuxuuna xusay in kulamada noocan ah ay noqon doonaan kuwa joogto ah si kor loogu qaado wada shaqeynta iyo adeegyada la xiriira maamulka dhulka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top