Baydhabo, 13 Luulyo 2025
Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay guddoomiyeyaasha tobanka xaafadood ee magaalada Baydhabo iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha dowladda hoose.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha horumarineed ee magaalada, gaar ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa naqshadeynta magaalada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la yeesho wada-tashi joogto ah oo u dhexeeya maamulka degmada iyo xaafadaha si wax looga qabto caqabadaha ka jira sida dhismayaasha aan nidaamsaneyn iyo isku raranka magaalada oo sii kordhaya.
Gudoomiye Degmada Baydhabo Ayaa Sidoo kale Gudoomiyaasha tabanka Xaafadood kula dardaarmey in ay door muhiim ah ka qaataan kormeerka dhismayaasha cusub ee kusoo kordhaya xaafadahooda, si loo xaqiijiyo in ay waafaqsan yihiin qorshaha guud ee horumarinta magaalada.

DHAMMAAD
ππ’π±π’π’ ππππ‘ππππ‘π’π§ ππ‘, ππππ₯ππ§ π€ππ₯π π±π’π«π’π’π«;
ππππ’π’π¬π€π πππ«πππππ’π§ππ & ππ’π«π’π’π«π€π ππππ°ππ²π§ππ‘π
πππ π¦πππ πππ²ππ‘πππ¨
π-π¦ππ’π₯: πππ’ππ¨πππ’π¬ππ«π’ππ.π’π§ππ¨@π π¦ππ’π₯.ππ¨π¦