Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada,oo kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah goobaha dalxiiska ee ku yaalla magaalada

๐˜ฝ๐™–๐™ฎ๐™™๐™๐™–๐™—๐™ค โ€“ 20-๐—”๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜€๐˜๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah goobaha dalxiiska ee ku yaalla magaalada, isaga oo ay wehliyeen madax ka socotay mashruuca SINAAN Project.

Kormeerkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray goobaha muhiimka ah ee lagu qorsheynayo in mustaqbalka dhow loo habeeyo xarumo casri ah oo dalxiis, kuwaas oo ay ka mid yihiin Buundada Isha Baydhabo, Gerbooda, iyo goobo kale oo muhiim u ah bilicda iyo soo jiidashada magaalada.

Masโ€™uuliyiinta ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha deegaanka, isla markaana kor loogu qaadayo dalxiiska gudaha iyo kan dibadda ee magaalada Baydhabo oo caan ku ah taariikh, dhaqan iyo deegaan dabiici ah.

Intii lagu guda jiray kormeerka, ayaa waftiga sidoo kale booqday mashaariic horumarineed oo ka socda gudaha magaalada, kuwaas oo ay kamid tahay dhismaha wadada Gasha Gerbooda, oo ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee xoojin doona isku socodka iyo isku xirnaanta xaafadaha magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa sheegay in maamulka degmada ka goโ€™an tahay in la dardar geliyo mashaariicda horumarineed iyo qorshayaasha lagu horumarinayo dalxiiska, isagoo xusay in wada-shaqeynta hayโ€™adaha sida SINAAN Project ay horseedi doonto Baydhabo noqoto magaalo soo jiidasho leh.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top