Baydhabo, 30 August 2025 –
Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo ayaa manta Magaalada Badhaboo ku qabtay tartan isdhexgalka bulshada iyo horumarinta ciyaaraha gabdhaha, kaas oo ay soo qabanqaabisay Ururka Haweenka Degmada Baydhabo (G.U.H.D.B),
Tartankan ayaa lagu xoojiyay doorka haweenka ee ciyaaraha iyo nabadeynta bulshada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray kobcinta xirfadaha gabdhaha iyo isdhexgalka bulshada magaalada.
Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Baydhabo ee Arrimaha Bulshada, Maamulka iyo Maaliyadda, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Dhalinyarada Degmada, kuwaas oo bogaadiyay dadaalka lagu horumarinayo ciyaaraha iyo nabadda magaalada.
Guddoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo, oo kulankan soo qabanqaabisay, ayaa gabdhihii kubadda cagta ka qeybgalay tartanka ku gudoonsiisay koob, taasoo dhiirrigelisay ka qaybqaadashada haweenka ee ciyaaraha iyo isdhexgalka bulshada.
Mas’uuliyiinta ka hadlay goobta ayaa xusay in tartanka uu qeyb ka yahay qorshayaasha lagu xoojinayo wadajirka bulshada, nabadda, iyo horumarinta ka qaybgalka haweenka ee ciyaaraha gudaha magaalada Baydhabo.