Baidoa Municipality

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Baydhabo oo Daah-furay Tababar ku saabsan Dhaqaalaha iyo Dakhliga

Baydhabo – Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Baydhabo, Mucaawiye Ibraahim Cali, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tababar diiradda lagu saarayey hormarinta dhaqaalaha iyo kobcinta dakhliga Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.

 

Tababarkan oo socon doona maalmo, waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah agaasimayaasha iyo shaqaalaha Dowladda Hoose. Ujeeddada ayaa ahayd sidii loo heli lahaa xeelado iyo aqoon casri ah oo lagu horumarin karo nidaamka dhaqaale, lana xoojiyo dakhliga gudaha ee degmada.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sheegay in tababarkan uu qayb weyn ka qaadan doono tayeynta howlaha maamulka maaliyadda iyo adeegyada bulshada, isaga oo ku dhiirri-geliyey ka qaybgalayaasha in ay ka faa’iideystaan aqoonta lagu bixinayo.

 

“Tababarkan wuxuu muhiim u yahay sidii loo heli lahaa maamulka dhaqaale oo hufan, loona kordhin lahaa dakhliga degmada, si adeegyada bulshada si wanaagsan loogu fuliyo,” ayuu yiri Mucaawiye Ibraahim Cali.

 

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee ka qayb galay ayaa iyaguna tilmaamay in tababarkani uu gacan ka geysan doono kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha iyo dardar-gelinta qorshayaasha horumarineed ee degmada.

 

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

 

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top