Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalay) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Maamulka Degmada Baydhabo iyo Hay’adda WFP, iyo sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada iyo taageerada loo fidiyo bulshada magaalada Baydhabo.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Degmada Baydhabo iyo Xoghaya Dowlada Hoose, kuwaas oo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo dhex mara maamulka degmada iyo hay’adaha samafalka.
Duqa Degmada Baydhabo, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalay, ayaa soo dhaweeyay wafdiga WFP, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo lagu taageerayo bulshada iyo horumarinta adeegyada degmada.
DHAMMAAD
𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼