Guddoomiyaha Degmada Baydhaba Ahna duqa Magalada Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Kalay) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Baydhabo.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Maamulka Degmada Baydhaba iyo UNOPS, gaar ahaan hirgelinta mashaariicda wax ka tari kara adeegyada bulshada iyo horumarka degmada.
Guddoomiyaha Degmada Baydhaba ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo lala yeesho hay’adaha taageera horumarinta degmada, isagoo uga mahadceliyay UNOPS taageerada ay ka geysato mashaariicda horumarineed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta mashaariicda socda iyo in la xoojiyo iskaashiga mustaqbalka.
DHAMMAAD
𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼