Baidoa Municipality

Duqa Magaalada Baydhabo oo Ku Soo Dhaweeyay Wafdi Sare oo ka Socday Qaramada Midoobay

๐Ÿญ๐Ÿฒ ๐—๐˜‚๐—น๐˜† ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

๐—•๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ, ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ

 

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 

Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyay mashaariic horumarineed oo ay Hayโ€™adaha Qaramada Midoobay ka hirgeliyeen xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo.

 

Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada sida Guriyaha,Waxbarashada, caafimaadka, iyo shaqo abuurka,Waxaa sidoo kale la kormeeray xarumo muhiim ah oo ay Dowladda Hoose ee Baydhabo si toos ah uga shaqeysay hirgelintooda, taasoo qeyb ka ahayd qorshaha deegaanka lagu horumarinayo.

 

Intii lagu guda jiray booqashada, wafdiga Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah u amaanay doorka firfircoon ee Dowladda Hoose ee Baydhabo ay ka qaadatay hirgelinta mashaariicdaasi, iyagoo xusay in dadaalka iyo hufnaanta maamulka degmada ay horseedeen in mashaariicda si hufan oo wax-ku-ool ah uga faaโ€™iideystaan bulshada deegaanka.

 

Kormeerka wafdiga waxaa ku wehlinayay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin wasiirka Qorsheynta , Wasiirka,Gergaarka , Wasiirka Howlaha Guud Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyo masuuliyiin kale .

 

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

 

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š

๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

 

๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จ๐ฆ

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top