Baydhabo βjul 29/2025
Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa maanta qado sharaf heer sare ah u sameeyey Suldaanka Guud ee Beesha Gare, Suldaan Maxamed Suldaan Xaaji Xasan Suldaan Gabaaba, oo socdaal rasmi ah ku jooga magaalada Baydhabo.
Munaasabadda qado sharafta oo si habsami leh loo agaasimay ayaa lagu qabtay Magalada , iyadoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin heer wasiir ah, saraakiil ciidan, waxgarad, odoyaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha degmada oo khudbad halkaasi ka jeediyey Ayaa Magalada ku Soo dhaweyey Suldaan isagoo si gaar ah uga mahadceliyey doorka Suldaanka iyo sida uu ugu heelan yahay horumarka, nabadda, iyo midnimada bulshada.
Suldaan Maxamed Suldaan Xaaji Xasan Suldaan Gabaaba ayaa Maamulka Degmada gaar ahaan Gudoomiyaha Degmada dhankiisa uga mahadceliyey martiqaadka qado sharafta ah, isagoo xusay in wadajirka bulshada iyo maamulka ay fure u yihiin nabadgelyo iyo horumar waara.
ππππππππ
ππ’π±π’π’ ππππ‘ππππ‘π’π§ ππ‘, ππππ₯ππ§ π€ππ₯π π±π’π«π’π’π«;
ππππ’π’π¬π€π πππ«πππππ’π§ππ & ππ’π«π’π’π«π€π ππππ°ππ²π§ππ‘π
πππ π¦πππ πππ²ππ‘πππ¨
π-π¦ππ’π₯: πππ’ππ¨πππ’π¬ππ«π’ππ.π’π§ππ¨@π π¦ππ’π₯.ππ¨π¦