Baidoa Municipality

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda Degmada Baydhabo iyo Guddoomiyaha Qaxootiga Koonfur Galbeed oo Xarigga ka Jaray 110 Guri oo ay UNHCR u dhistay Barakacayaasha Xaafadda Wadajir

๐˜ฝ๐™–๐™ฎ๐™™๐™๐™–๐™—๐™ค โ€“ 31 ๐™ก๐™ช๐™ก 2025

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda ee Degmada Baydhabo iyo Guddoomiyaha Qaxootiga Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray 110 guri oo ay hayโ€™adda UNHCR ka dhistay xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo, kuwaas oo loogu talagalay in lagu dejiyo qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool deegaanka.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano katirsan Dowlada Koonfurgalbeed,masuuliyiin ka kala socday maamulka degmada, hayโ€™adaha samafalka, bulshada rayidka ah, iyo qaar ka mid ah qoysaska ka faaโ€™iideystay mashruucan.

Masโ€™uuliyiinta ayaa uga mahadceliyay hayโ€™adda UNHCR dadaalka ay ugu jirto sidii dadka barakacayaasha ah loogu heli lahaa hoy rasmi ah oo badbaado leh. Waxay sidoo kale tilmaameen in mashruucani uu yahay mid qeyb ka ah qorshe ballaaran oo dib-u-dejin iyo taageero nololeed loogu sameynayo qoysaska nugul ee ay saameeyeen dagaallada iyo abaaraha.

Mashruucan ayaa noqonaya mid si weyn u yareynaya tirada dadka barakacayaasha ah ee ku nool Guriyaha ka sameysan bacaha iyo baakooyinka ama hoyga ku-meel-gaarka ah, waxaana la rajeynayaa in mashruucyo kale oo la mid ah laga hirgeliyo deegaano kale oo ka tirsan Magalada.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š
๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จ๐ฆ

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top