Baydhabo, 4 Agoosto 2025 β
Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo Ayaa maanta martigelisay shirweyne heer sare ah oo lagu falanqeynayo nidaamka maaraynta qashinka, kaasi oo lagu doonayo in lagu helo xal waara oo wax looga qabanayo qashinka isa soo taraya ee magaalada.
Shirka waxaa si rasmi ah daahfuray Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin waxaana ka qeybgalay wasiirro, xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan dowladda hoose, iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha degmada oo furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay badbaadinta deegaanka, nadaafadda magaalada iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Waxaa la filayaa in shirkan uu ka Soo baxo nidaam maamul oo rasmi ah, kaasoo lagu hormarin doono ururinta, kala saaridda, iyo dib u warshadaynta qashinka. Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in laga dhiso Baydhabo xarun weyn oo qashin lagu farsameeyo, taasoo abuuri doonta shaqooyin iyo horumar dhaqaale.
ππππππππ
ππ’π±π’π’ ππππ‘ππππ‘π’π§ ππ‘, ππππ₯ππ§ π€ππ₯π π±π’π«π’π’π«;
ππππ’π’π¬π€π πππ«πππππ’π§ππ & ππ’π«π’π’π«π€π ππππ°ππ²π§ππ‘π
πππ π¦πππ πππ²ππ‘πππ¨
π-π¦ππ’π₯: πππ’ππ¨πππ’π¬ππ«π’ππ.π’π§ππ¨@π π¦ππ’π₯.ππ¨π¦