Baydhabo: 6/ August/2025
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya, kaasoo si rasmi ah magaalada Baydhabo uga daah-furay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cali Saciid Fiqi.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya, iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada, oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay sida ay muhiim u tahay iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, kuwa samafalka, iyo beesha caalamka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in maamulka degmada Baydhabo uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu wajahayo dhibaatooyinka bani’aadannimo, iyadoo la xoojinayo nabadda, xasilloonida, iyo midnimada bulshada.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦