Baydhabo, Agoosto 2025 β
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Fayadhowrka ee Degmada Baydhabo, Abshir Cali, ayaa maanta ka qeyb galay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen daneeyayaasha arrimaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda (WASH).
Shirkan oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada la xiriira biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda deegaannada iyo degmooyinka hoos yimaada Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale la falanqeeyay baahiyaha jira iyo caqabadaha hortaagan helitaanka adeegyadaas, iyadoo lagu dadaalayay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku xirnaanta hayβadaha iyo laamaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha WASH.
Agaasime Abshir Cali ayaa fursad u helay inuu shirkan ka jeediyo warbixin ku saabsan xaaladda degmada Baydhabo, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka biyo nadiif ah iyo kor u qaadidda nadaafadda guud ee bulshada Degmada Baydhabo.
ππππππππ
ππ’π±π’π’ ππππ‘ππππ‘π’π§ ππ‘, ππππ₯ππ§ π€ππ₯π π±π’π«π’π’π«;
ππππ’π’π¬π€π πππ«πππππ’π§ππ & ππ’π«π’π’π«π€π ππππ°ππ²π§ππ‘π
πππ π¦πππ πππ²ππ‘πππ¨
π-π¦ππ’π₯: πππ’ππ¨πππ’π¬ππ«π’ππ.π’π§ππ¨@π π¦ππ’π₯.ππ¨π¦