Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada oo Daahfuray Kulan Wacyigelin Bulsho

๐—•๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ: ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ ๐Ÿฏ_๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin Watiin, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray kulan dadweyne oo lagu wacyigelinayo bulshada ku saabsan qaadashada sabarloogooyinka dhulka Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in bulshada lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay qaadashada sabarloogooyinka dhulka, si loo helo nidaam hufan oo sharci ah oo lagu maamulo lahaanshaha iyo adeegyada dhulalka magaalada.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda Koonfur Galbeed, ururrada bulshada rayidka ah gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan iyo heer dowladeed ah.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa bulshada ugu baaqay in ay si buuxda uga faaโ€™iideystaan barnaamijkan, isagoo hoosta ka xariiqay in qaadashada sabarloogooyinka dhulka ay tahay tallaabo muhiim u ah horumarinta maamulka magaalada iyo ka hortagga khilaafaadka dhulka.

Kulanka maanta la daahfuray ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo maamulka degmada Baydhabo ku doonayo in bulshada lagu gaarsiiyo wacyigelin ku saabsan adeegyada dowladeed iyo maamulka dhulka.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š
๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ
๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จ๐ฆ

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top