๐๐ฎ๐๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฏ๐ผ, ๐ญ๐ฒ ๐ฆ๐ฒ๐ฏ๐๐ฒ๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ โ
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Abdullahi Ali Watiin, iyo Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Koonfur Galbeed, ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee hoolka weyn ee Dakhliga Degmada Baydhabo.
Hoolkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo nidaamka maamulka Degmada iyo shirarka Maamulka , iyadoo loo diyaariyey qalab casri ah oo fududeynaya shirarka iyo isku imaadha Maamulka iyo Shacabka Magalada
Guddoomiyaha degmada Mudane Abdullahi Ali Watiin oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in hoolkan cusub uu qayb weyn ka qaadan doono hagaajinta adeegyada iyo kor u qaadista isku imaadhaha shirararka degmada. Wuxuuna xusay in maamulka degmada iyo shacabka Baydhabo ay ka faaโiideysan doonaan adeeg hufan oo casri ah.
Dhanka kale, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey mashruuca, isaga oo ku tilmaamay mid muujinaya dadaalka maamulka degmada Baydhabo ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo nidaamka maamulka dawladda hoose.
Dhismahan ayaa ka mid ah dadaallada socda ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo maamulka degmada Baydhabo, iyadoo maamulka degmada uu sheegay in qorshayaal kale oo dhismooyin iyo adeegyo bulsho ah ay ku socdaan heerar kala duwanee Degmada Baydhabo.
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐๐ก, ๐๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐
๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ
๐-๐ฆ๐๐ข๐ฅ: ๐๐๐ข๐๐จ๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐๐ญ.๐ข๐ง๐๐จ@๐ ๐ฆ๐๐ข๐ฅ.๐๐จ๐ฆ