๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ, ๐๐ ๐๐๐๐ญ๐๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐๐๐ โ
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay madax ka socotay hayโadaha IOM iyo International Trade Center (ITC).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dhaqaalaha deegaanka, loo horumarin lahaa ganacsiga iyo sidii shaqo abuur loo sameyn lahaa bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, haweenka iyo Dadka danyarta ah
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa sheegay in Baydhabo ay diyaar u tahay in ay ka shaqeyso qorshayaal wax ku ool ah oo wax ka beddela nolosha bulshada, isagoo xusay in iskaashiga heyโadaha caalamiga ah uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar waara.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu horumarinayo dhaqaalaha gudaha iyo abuurista fursado shaqo, taas oo lagu yareynayo caqabadaha dhaqaale ee bulshada ku haysa Degmada Baydhabo.
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐๐ก, ๐๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐
๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ
๐-๐ฆ๐๐ข๐ฅ: ๐๐๐ข๐๐จ๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐๐ญ.๐ข๐ง๐๐จ@๐ ๐ฆ๐๐ข๐ฅ.๐๐จ๐ฆ