๐๐ฎ๐๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฏ๐ผ, 23 ๐ฆ๐ฒ๐ฏ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ โ
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray website-ka cusub ee โFariin Maalโ, kaas oo u sahlaya bulshada degmada inay si toos ah ula wadaagaan maamulka fikirradooda, baahiyahooda, iyo soo jeedintooda.
Xafladda daahfurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada, agaasimayaal, iyo marti sharaf kale oo kala duwan. Website-kan cusub ayaa qayb muhiim ah ka noqonaya is-dhexgalka bulshada iyo maamulka, isagoo fududeynaya habka wada-shaqeynta iyo wada-xaajoodka bulshada iyo maamulka degmada.
Guddoomiyaha Degmada Ahna duqa Magalada Abdullahi Ali Watiin ayaa xafladda ka sheegay in website-kan uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada degmada iyo dhageysiga codka shacabka.
Website-ka โFariin Maalโ ayaa hadda diyaar u ah in bulshada degmada Baydhabo ay si fudud ugu gudbiyaan talooyinka, cabashooyinka, iyo soo jeedinta ku saabsan horumarinta magaalada.
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐๐ก, ๐๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ย ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ
๐-๐ฆ๐๐ข๐ฅ: ๐๐๐ข๐๐จ๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐๐ญ.๐ข๐ง๐๐จ@๐ ๐ฆ๐๐ข๐ฅ.๐๐จ๐ฆ