Nairobi, Kenya โ 30 Oktoobar 2025
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa ka qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta magaalooyinka Soomaaliya, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka (World Bank).
Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa ka soo qeybgalay Duqeyda magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyo sidoo kale Wasaaradaha Howlaha Guud ee heer Federal iyo Dowlad-Goboleed, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo maamul wanaagga magaalooyinka.
Sidoo kale Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay mashaariicda dhismaha waddooyinka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo magaalooyinka dalka
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa inta lagu guda jiray shirka ka hadlay doorka muhiimka ah ee Baydhabo kaga jirto horumarinta magaalooyinka dalka, isagoo xusay in loo baahan yahay in la dardargeliyo mashaariicda la xiriirta biyaha, nadaafadda, iyo waddooyinka si loo hagaajiyo nolosha bulshada ku nool magaalada Baydhabo.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada uu siiyo magaalooyinka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in iskaashiga noocan ah uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta dalka.
Shirkan wuxuu qab ka noqon doonaa dadaalada Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada uu ka wado Qorshiyaasha Hormarineed ee Magalada Baydhabo ee ku saabsan kordhinta wada shaqeynta u dhexeysa maamulada magaalooyinka iyo hayโadaha caalamiga ah ee taageera barnaamijyada horumarinta magaalooyinka Soomaaliya.
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐๐ก, ๐๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ย ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ
๐-๐ฆ๐๐ข๐ฅ: ๐๐๐ข๐๐จ๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐๐ญ.๐ข๐ง๐๐จ@๐ ๐ฆ๐๐ข๐ฅ.๐๐จ๐ฆ