๐๐ฎ๐๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฏ๐ผ: ๐ก๐ผ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ,๐ฒ,๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hayโadda NRC
Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa maamulka degmada iyo hayโadaha ay taageerto Dowladda Sweden.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada biyo gelinta, waxbarashada, Hormarinta Wadooyin iyo taageerada barakacayaasha.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden iyo Hayโadda NRC taageerada joogtada ah ee ay siiyaan bulshada degmada, isagoo xusay in iskaashigaasi uu gacan ka geysanayo dib u dhiska iyo horumarinta Magalada Baydhabo.
Wafdiga ka socday Dowladda Sweden iyo NRC ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan bulshada deegaanka, iyagoo bogaadiyey sida maamulka degmada uu u fududeeyo howlaha horumarineed ee ay hayโaduhu ka wadaan magaalada Baydhabo.
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐๐ก, ๐๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ย ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ
๐-๐ฆ๐๐ข๐ฅ: ๐๐๐ข๐๐จ๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐๐ญ.๐ข๐ง๐๐จ@๐ ๐ฆ๐๐ข๐ฅ.๐๐จ๐ฆ
