Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo Xariga ka jarey Wadada Gasha Gerbooda Baydhabo

๐—•๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ: ๐Ÿฑ ๐—ก๐—ผ๐—ผ๐—ณ๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin, Wasiirka Howlaha Guud iy guriyeenta iyo Gudoomiyaha Gobalka bay Ayaa Manta Xariga ka jarey Wadada Gasha Gerbooda Baydhabo.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb ka ahaa madax ka socotay Dowladda Sweden.

Wadadan oo dhismeheeda ay iska kaashadeen Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo, Heyโ€™adda NRC, iyo Dowladda Sweden, ayaa horey dhibaatooyin badan uga haystay beeraleyda, dalxiisayaasha, iyo dadka deegaanka ee ku nool xaafadaha ku dhow.

Dhismaha cusub ee wadadan ayaa loo sameeyay si casri ah, taasoo hadda suurta gelisay in si fudud ay u isticmaalaan gaadiidka iyo dadka lugaynaya, iyadoo kor u qaadeysa isku xirka xaafadaha magaalada iyo Gerbooda.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Abdullahi Ali Watiin, oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden iyo heyโ€™adda NRC taageerada ay la garab taagan yihiin degmada, isagoo ballan qaaday in Dowladda Hoose ay dhameystiri doonto qaybo ka mid ah Wadadaan,

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu Dowladda Sweden ka codsaday in ay gacan ka geystaanย dhameystirka inta kale ee dhiman, si loo xaqiijiyo in wadada si buuxda ugu adeegto bulshada.

 

Dhismaha Wadada Gasha Gerbooda ayaa ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Baydhabo, kuwaas oo kor u qaadaya bilicda iyo isku socodka ganacsiga magaalada , Maamulka Degmada Baydhaboo Ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu hormarinayo Magalada Baydhabo.

 

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

 

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐šย ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จ๐ฆ

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top