Baidoa Municipality

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo oo Madax heer caalami ku Soo dhaweyey Xaruunta Dowlada Hoose

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa maanta Xarunta Dowladda Hoose ku soo dhaweeyey wafdi heer caalami ah oo ka socday hay’ado kala duwan.

 

Wafdigan oo uu hoggaaminayey Madaxa Swiss Development and Cooperation (SDC), oo sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha IOM, UNDP, iyo UN-Habitat.

 

Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyey xafiisyada Dowladda Hoose iyo habka ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee maamulka degmada, iyagoo si gaar ah u eegay hannaanka shaqo, adeeg bixinta bulshada, iyo maamulka guud ee Dowladda Hoose.

 

Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Degmada iyo qaar kamid ah Agaasimiyaasha Dowladda Hoose, waxaana kulankaasi looga hadlay horumarinta mashaariicda ka socda magaalada Baydhabo iyo taageerada ay hay’adaha caalamiga ah wadaan, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, adeegyada bulshada iyo qorsheyaasha horumarineed ee degmada.

 

Intii uu socday kormeerka, wafdiga ayaa mid mid u booqday xafiisyada maamulka iyo waaxyaha kale ee muhiimka ah, iyagoo warbixinno ka dhageystay masuuliyiinta waaxyahaasi, kana xog-wareystay baahiyaha iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Dowladda Hoose.

 

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda, isagoo tilmaamay in Dowladda Hoose ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee wax ka taraya bulshada.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top