Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu muujinayay taageerada loo hayo Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoowe).
Munaasabaddan oo uu soo qabanqaabiyay Maamulka Degmada Baydhabo ayaa waxaa
Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan Sate
Waxaa ka qeyb galay masuuliyiin heer gobol iyo heer federaal ah, odayaal, haween, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Masuuliyiinta ka qeyb galay kulanka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaan Black oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Bay, guddoomiye ku-xigeennada Degmada Baydhabo, Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Baydhabo, hooyooyin, ururrada bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii ay socotay munaasabadda, ka qeybgalayaashu waxay si weyn u bogaadiyeen hoggaanka cusub ee Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoowe), iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay la shaqeynta maamulka cusub si loo xoojiyo amniga, horumarka iyo wadajirka bulshada Koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa ku baaqay in shacabka iyo hay’adaha kala duwan ay garab istaagaan hoggaanka cusub, si loo gaaro himilooyinka la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, nabadgelyada iyo dowlad-dhiska.




