Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda GREDO

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan (Sate) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda GREDO, iyadoo kulanka uu ku saabsanaa xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo taageerada dadka nugul ee ku nool Degmada.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga ka dhexeeya Maamulka Degmada iyo Hay’adda GREDO, si loo gaaro adeegyo iyo mashaariic wax ku ool ah oo lagu taageerayo Bulshada danyarta ah, gaar ahaan qoysaska nugul, Haweenka, Carruurta iyo Dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Guddoomiyaha Degmada ayaa uga mahadceliyay Hay’adda GREDO dadaallada ay ku bixiso taageerada bulshada, isagoo xusay in maamulka degmada uu diyaar u yahay la shaqeynta hay’adaha ka qeyb qaadanaya horumarinta iyo samafalka bulshada.
Mas’uuliyiinta GREDO ayaa dhankooda sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan dadka nugul, ayna muhiimad gaar ah siinayaan wada-shaqeyn dhow oo ay la yeeshaan maamulka degmada si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo bulshada faa’iido u leh.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top