๐๐ฎ๐๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฏ๐ผ: ๐๐๐น๐ ๐ฎ๐ณ/๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ.
Maamulka degmada Baydhabo ayaa si xoogan u wada dhismaha qaar ka mid ah wadooyinka dhagaxaanta ah ee muhiimka u ah isku socodka bulshada ku dhaqan magaalada , gaar ahaan xaafadda Cadaada.
Wadooyinkan cusub ee haatan laga wado gudaha xaafadda Cadaada ayaa qeyb ka ah qorshaha dowlad hoose ee degmada Baydhabo ugu talagashay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo hagaajinta adeegyada bulshada.
Shaqada dhismaha xaafadda ayaa si habsami leh uga socota , ayadoo la rajeynayo in marka la dhameeyo ay si weyn u fududeyn doonto isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Mashruucan Ayaa ka tarjumaya dadaalda dowladda hoose ee ku aaddan horumarinta degmada iyo la tacaalida caqabadaha ka dhasha burburka wadooyinka.
—
DHAMMAAD
๐๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐๐ก, ๐๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐
๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ
๐-๐ฆ๐๐ข๐ฅ: ๐๐๐ข๐๐จ๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐๐ญ.๐ข๐ง๐๐จ@๐ ๐ฆ๐๐ข๐ฅ.๐๐จ๐ฆ