Baydhabo, 5 Agoosto 2025 –
ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS Iyo Guddoomiyaha degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xaafadda cusub ee Amun Village, taas oo loogu talagalay in hoy cusub loogu sameeyo dadkii ku noolaa barakacayaasha gudaha magaalada Baydhabo.
Munaasabadda xarig-jarka oo ka dhacday deegaanka cusub ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin sare, sida wasiiro, mas’uuliyiin ka socotay hay’adda Amuud Foundation,odayaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.
Xaafaddan cusub ee Amun Village ayaa ka kooban guryo casri ah oo si dhammeystiran loo dhisay, kuwaas oo loogu talagalay in la dejiyo qoysas danyar ah oo horey ugu noolaa xeryaha barakacayaasha.
Guddoomiyaha degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada ayaa sheegay in mashruucani yahay mid wax weyn ka beddeli doona xaaladda nololeed ee boqolaal qoys oo danyar ah. Wuxuu u mahadceliyey hay’adda Amuud Foundation kaalinta ay ka qaadatay hirgelinta mashruucan samafalka ah.
Sidoo kale, ku-simaha Madaxweynaha KGS ayaa xusay in dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ay si buuxda u taageerayso dadaallada lagu horumarinayo nolasha dadka barakacayaasha ah, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha kale in ay ku daydaan Amuud Foundation.
Mas’uuliyiinta Amuud Foundation ayaa dhankooda ballanqaaday in ay sii wadi doonaan mashaariicda horumarineed iyo gargaarka ay u fidinayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 .
𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦