Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed iyo Daawooyin Gaarsiiyey Awdiinle

Baydhabo/Agu /9/2025

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin oo ay weheliyaan wafdi heer wasiirro ah oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta gaarey deegaanka Awdiinle .

Wafdiga ayaa halkaas ku dhagax dhigay mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin garoomo lagu ciyaaro kubadda cagta iyo xarunta xanaanada xoolaha.

Sidoo kale, wafdiga ayaa gaarsiiyey isbitaalka deegaanka Awdiinle daawooyin iyo agab caafimaad, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada.

Mas’uuliyiinta wafdiga ayaa sheegay in mashaariicdan iyo taageeradan caafimaad ay qayb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, laguna taageerayo horumarinta dhaqaalaha iyo caafimaadka deegaanka.

Bulshada Awdiinle ayaa si diirran u soo dhaweeysay wafdiga, iyagoo muujiyay in mashaariicdan cusub ay wax weyn ka tari doonaan horumarka degmada.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ

𝐖𝐒𝐱𝐒𝐒 𝐟𝐚𝐚𝐑𝐟𝐚𝐚𝐑𝐒𝐧 𝐚𝐑, 𝐟𝐚𝐝π₯𝐚𝐧 𝐀𝐚π₯𝐚 𝐱𝐒𝐫𝐒𝐒𝐫;
π—πšπŸπ’π’π¬π€πš π–πšπ«πŸπšπšπŸπ’π§π­πš & π—π’π«π’π’π«π€πš πƒπšππ°πžπ²π§πšπ‘πš
πƒπžπ π¦πšππš ππšπ²ππ‘πšπ›π¨
𝐄-𝐦𝐚𝐒π₯: 𝐁𝐚𝐒𝐝𝐨𝐚𝐝𝐒𝐬𝐭𝐫𝐒𝐜𝐭.𝐒𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐒π₯.𝐜𝐨𝐦

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top