Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo kulan laqaatey Madax ka soctay Dowlada Sweden

๐—•๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ: ๐—ก๐—ผ๐˜ƒ๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ,๐Ÿฒ,๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Dowladda Sweden iyo Hayโ€™adda NRC

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa maamulka degmada iyo hayโ€™adaha ay taageerto Dowladda Sweden.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada biyo gelinta, waxbarashada, Hormarinta Wadooyin iyo taageerada barakacayaasha.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden iyo Hayโ€™adda NRC taageerada joogtada ah ee ay siiyaan bulshada degmada, isagoo xusay in iskaashigaasi uu gacan ka geysanayo dib u dhiska iyo horumarinta Magalada Baydhabo.

 

Wafdiga ka socday Dowladda Sweden iyo NRC ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan bulshada deegaanka, iyagoo bogaadiyey sida maamulka degmada uu u fududeeyo howlaha horumarineed ee ay hayโ€™aduhu ka wadaan magaalada Baydhabo.

 

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐šย ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จ๐ฆ

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top