Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Oo Shir Guddoomiyey Kulan Lagu Qiimeynayey Mashaariicda Wadooyinka Capable Stone

๐—•๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ:๐—๐—ฎ๐—ป,๐Ÿฎ๐Ÿญ-๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dib-u-eegista faaโ€™iidooyinka laga dhaxlay mashaariicda dhismaha wadooyinka Capable Stone ee laga hirgeliyey xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo, iyo sidoo kale xalinta caqabadaha weli taagan.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha Haweenka Degmada, Guddoomiyaha Dhalinyarada, madax ka socday Heyโ€™adda ILO, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha tabaneyaasha xaafadaha, iyo wakiillo ka socday bulshooyinka xaafadaha magaalada, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta guud ee mashruuca.

Inta badan kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashruuca dhismaha wadooyinka Capable Stone, gaar ahaan wajigiisa labaad oo gebogebo maraya, iyadoo la is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan faaโ€™iidooyinka uu mashruucu u leeyahay bulshada, sida fududeynta isu socodka, kobcinta ganacsiga, iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Sidoo kale, ka qeybgalayaasha kulanka ayaa falanqeeyey caqabadaha jira inta lagu guda jiro hirgelinta mashaariicda, waxaana la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda hoose, heyโ€™adaha ka shaqeeya horumarinta, iyo bulshada deegaanka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la diyaariyo qorshayaal lagu dhisayo wadooyin hor leh, si loo sii ambaqaado horumarka ka socda magaalada Baydhabo, loona xaqiijiyo in bulshadu ay ka faaโ€™iideysato mashaariic waara oo tayo leh.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š
๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ
๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จ๐ฆ
๐—ช๐—ฒ๐—ฏ๐˜€๐—ถ๐˜๐—ฒ:

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top