Baidoa Municipality

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—Ÿ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ž๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ณ๐˜‚๐—ฟ ๐—š๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada MudaneAbdullahi Ali Watiin , iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dar-dargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, iyosidii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta adeegyada loo fidiyo shacabka.

 

Masโ€™uuliyiintu ayaa ka hadley muhiimada ay leedahay in lahelo wada shaqeyn dhab ah oo u dhexeysa waaxyaha kala duwan ee dowladda si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dowlad goboleedka.

 

Intii uu socday kulanka, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ayaa warbixin guud ka bixiyay xaaladda horumarka iyo dhismaha magaalada Baydhabo. Wuxuu xusay in magaalada ay ku tallaabsatay horumar muuqda oo ay ka mid yihiin dhismaha wadooyin, xarumo adeeg bulsho, iyo horumar laga sameeyay nidaamka nadaafadda iyo ammaanka.

 

Gudoomiyaha Degmada ayaa carabka ku dhuftay in horumarka degmada uu si toos ah ugu xiranyahay wada shaqeynta wasaaradaha iyo hayโ€™adaha kale ee dowladda. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay Agaasimeyaasha in ay sare u qaadaan dadaalkooda si shacabka Koonfur Galbeed loo gaarsiiyo adeeg hufan oo joogto ah.

 

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

 

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š

๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

 

๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จm

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top