Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Wasiirrada Amniga & Xanaanada xoolaha, iyo Guddoomiyaha Gobolka Baay oo Shir-guddoomiyey Kulan Looga Hadlayey Amniga Magaalada Baydhabo

Baydhabo, Soomaaliya – May 28, 2025 – Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Xanaanada xoolaha, iyo Guddoomiyaha Gobolka Baay ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo, kaasoo looga hadlayey xoojinta amniga magaalada.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay saraakiil ka tirsan booliiska heer degmo iyo heer gobol, guddoomiyeyaasha xaafadaha magaalada, hooyooyinka Baydhabo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, oo hadal ka jeediyey shirka, ayaa xusay in amniga magaalada uu saldhig u yahay horumarka deegaanka. Wuxuu ugu baaqay bulshada in ay si firfircoon uga qeybqaataan sugidda nabadda, isagoo ku booriyey inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Shirka ayaa kusoo dhammaaday isfaham guud iyo ballan-qaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.

                      𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 iyo Wacayigalin Bulshada

𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

Baydhabo, – May 28, 2025 –

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Baay ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo, kaasoo looga hadlayey xoojinta amniga magaalada.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay saraakiil ka tirsan booliiska heer degmo iyo heer gobol, guddoomiyeyaasha xaafadaha magaalada, hooyooyinka Baydhabo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, oo hadal ka jeediyey shirka, ayaa xusay in amniga magaalada uu saldhig u yahay horumarka deegaanka. Wuxuu ugu baaqay bulshada in ay si firfircoon uga qeybqaataan sugidda nabadda, isagoo ku booriyey inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Shirka ayaa kusoo dhammaaday isfaham guud iyo ballan-qaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧 𝐚𝐡, 𝐟𝐚𝐝𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫;
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 & 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨

𝐄-𝐦𝐚𝐢𝐥: 𝐁𝐚𝐢𝐝𝐨𝐚𝐝𝐢𝐬𝐭𝐫𝐢𝐜𝐭.𝐢𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top