Baidoa Municipality

Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo oo Magalada Baydhabo ka bilowdey olole Nadaafadeed oo loogu diyaar garoobayo Maalinlaha ciidul adxa.

Baydhabo 27 – May – 2025

 

Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo Ayaa si habsami leh u wada Olole Nadaafadeed oo Loogu Diyaar Garoobayo maamlaha Ciida

 

Dowlada Hoose Ayaa Maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah uga bilowday olole nadaafadeed oo ballaaran, oo qeyb ka ah diyaar garowga Ciidul Adxaa. Ololahan ayaa diiradda lagu saaray nadiifinta waddooyinka muhiimka u ah Magalada, suuqyada, iyo goobaha dadweynaha.

 

Waxaa ololaha si toos ah uga qeyb galay Masโ€™uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Baydhabo oo ay kamid yihiin Guddoomiye Ku- Xigeenka Arrimaha Bulshada aadan Cali Carab, Guddoomiyaha Haweenka Degmada Hindiyo Isxaaq Cali iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Fayadhowrka Abshir Cali xuseen.

 

Ololahan nadaafadeed ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo ay ku horumarinayso bilicda magaalada, caafimaadka bulshada iyo ilaalinta deegaanka.

 

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

 

๐–๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐Ÿ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐š๐ก, ๐Ÿ๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š

๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

 

๐„-๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐๐š๐ข๐๐จ๐š๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐œ๐ญ.๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ ๐ฆ๐š๐ข๐ฅ.๐œ๐จ๐ฆ

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top