Baidoa Municipality

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyaha Gobolka Bay ayaa maanta si wadajir ah dhagax-dhigay wadada gasha Gerbooda ee magaalada Baydhabo,.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin,Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlada Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyaha Gobolka Bay ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay wadada gasha Gerbooda magaalada Baydhabo.

Wadadan oo muddo badan burbursanayd ayaa dhibaato weyn ku haysay dadka deegaanka, gaar ahaan beeraleyda iyo dalxiisayaasha booqda gerbooda oo ah goob dalxiis, wadadaan Waxaa si gaar ah looga dareemayay burburkaas oo saameyn ku yeeshay isku socodka bulshada iyo horumarka ganacsiga Magalada

Maamulka degmada Baydhabo oo dadaal xooggan ku bixinaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaalada ayaa diyaariyay qorshaha dib u dhiska wadadan.

Mashruucan waxaana si wadajir ah u fulinaya hay’adda NRC iyo dowladda Sweden, kuwaas oo taageero ballaaran ka gaadanaya hirgelinta dhismaha iyo Mashaariicda hormarineed ee ka Socda Magalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Degmada ayaa sheegay in mashruucani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo isku socodka magaalada iyo kor u qaadista bilicda guud ee Baydhabo,

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay maamulka uga go’an tahay in la horumariyo adeegyada bulshada, isagoo sheegay in wadadani ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu dhisayo wadooyin cusub iyo dib u dayactirka wadooyinkii hore.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ

𝐖𝐒𝐱𝐒𝐒 𝐟𝐚𝐚𝐑𝐟𝐚𝐚𝐑𝐒𝐧 𝐚𝐑, 𝐟𝐚𝐝π₯𝐚𝐧 𝐀𝐚π₯𝐚 𝐱𝐒𝐫𝐒𝐒𝐫;

π—πšπŸπ’π’π¬π€πš π–πšπ«πŸπšπšπŸπ’π§π­πš & π—π’π«π’π’π«π€πš πƒπšππ°πžπ²π§πšπ‘πš

πƒπžπ π¦πšππš ππšπ²ππ‘πšπ›π¨

𝐄-𝐦𝐚𝐒π₯: 𝐁𝐚𝐒𝐝𝐨𝐚𝐝𝐒𝐬𝐭𝐫𝐒𝐜𝐭.𝐒𝐧𝐟𝐨@𝐠𝐦𝐚𝐒π₯.𝐜𝐨𝐦

 

 

 

 

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top