Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim aadan (Sate) ayaa maanta ka qaybgalay bandhig lagu soo bandhigayay wax soo saarka dalagyada kala duwan ee ay soo saareen beeraleyda gobolka, kaas oo lagu muujinayay horumarka laga gaaray wax soo saarka beeraha iyo doorka uu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee bandhigga, isagoo si dhow u daawaday dalagyada iyo wax soo saarka ay beeraleydu soo bandhigeen.
Intii uu ku guda jiray booqashada, wuxuu la kulmay beeraleyda iyo ganacsatada ka shaqeysa silsiladda wax soo saarka beeraha, isagoo ka dhageystay fursadaha iyo caqabadaha ay la kulmaan.
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyay dadaalka beeraleyda, wuxuuna sheegay in horumarinta wax soo saarka beeraha ay muhiim u tahay xaqiijinta sugnaanta cuntada, abuurista shaqooyin, iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.
Wuxuu sidoo kale xusay in maamulka degmada uu sii xoojin doono taageerada la siinayo beeraleyda si loo kordhiyo wax soo saarka iyo helitaanka suuqyo ay ku iibiyaan dalagyadooda.
Bandhiggan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo wax soo saarka gudaha, laguna xoojinayo iskaashiga u dhexeeya beeraleyda, ganacsatada, hay’adaha maaliyadeed iyo bahwadaagta horumarinta si loo gaaro horumar waara oo dhanka beeraha ah.
𝗗𝗵𝗮𝗺𝗺𝗮𝗮𝗱