Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) oo Shir Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Amniga, Nadaafadda iyo Hormarinta Dakhliga Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka cusub ee Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Haweenka, Xoghayaha Dowladda Hoose, Agaasimeyaasha Dowladda Hoose iyo Guddoomiyeyaasha Tobanka Xaafadood ee degmada Baydhabo.
Kulanka Ayaa Si weyn loogu Soo dhaweyey Hogaamiyaha Cusub ee Dowladd Goboleedka Koonfurgalbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Shekh aadan Madoowe)
Intii uu kulanku socday, Guddoomiyeyaasha Xaafadaha ayaa warbixin ka bixiyay xaaladaha amniga iyo arrimaha bulshada ee xaafadahooda, iyagoo sidoo kale ka hadlay dadaallada lagu xoojinayo nadaafadda deegaanka iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda guud ee nadaafadda magaalada, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Hoose, maamulka xaafadaha iyo bulshada si loo helo magaalo nadiif ah oo bilicsan.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ayaa si qoto dheer uga dooday arrimaha canshuuraha iyo istaraatiijiyadaha lagu hormarinayo dakhliga Dowladda Hoose, si loo kordhiyo adeegyada bulshada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee degmada.
Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa faray dhammaan waaxyaha Dowladda Hoose iyo maamulka xaafadaha inay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, lagu ilaalinayo nadaafadda magaalada iyo kor u qaadista dakhliga Dowladda Hoose si loo gaaro horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka degmada Baydhabo.