Baydhabo 27 – May – 2025
Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo Ayaa si habsami leh u wada Olole Nadaafadeed oo Loogu Diyaar Garoobayo maamlaha Ciida
Dowlada Hoose Ayaa Maanta magaalada Baydhabo si rasmi ah uga bilowday olole nadaafadeed oo ballaaran, oo qeyb ka ah diyaar garowga Ciidul Adxaa. Ololahan ayaa diiradda lagu saaray nadiifinta waddooyinka muhiimka u ah Magalada, suuqyada, iyo goobaha dadweynaha.
Waxaa ololaha si toos ah uga qeyb galay Masโuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Baydhabo oo ay kamid yihiin Guddoomiye Ku- Xigeenka Arrimaha Bulshada aadan Cali Carab, Guddoomiyaha Haweenka Degmada Hindiyo Isxaaq Cali iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Fayadhowrka Abshir Cali xuseen.
Ololahan nadaafadeed ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo ay ku horumarinayso bilicda magaalada, caafimaadka bulshada iyo ilaalinta deegaanka.
—
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐๐ก, ๐๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐
๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ
๐-๐ฆ๐๐ข๐ฅ: ๐๐๐ข๐๐จ๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐๐ญ.๐ข๐ง๐๐จ@๐ ๐ฆ๐๐ข๐ฅ.๐๐จ๐ฆ