๐๐ฎ๐๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฏ๐ผ: ๐ฑ ๐ก๐ผ๐ผ๐ณ๐ฎ๐บ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฑ
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin, Wasiirka Howlaha Guud iy guriyeenta iyo Gudoomiyaha Gobalka bay Ayaa Manta Xariga ka jarey Wadada Gasha Gerbooda Baydhabo.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb ka ahaa madax ka socotay Dowladda Sweden.
Wadadan oo dhismeheeda ay iska kaashadeen Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo, Heyโadda NRC, iyo Dowladda Sweden, ayaa horey dhibaatooyin badan uga haystay beeraleyda, dalxiisayaasha, iyo dadka deegaanka ee ku nool xaafadaha ku dhow.
Dhismaha cusub ee wadadan ayaa loo sameeyay si casri ah, taasoo hadda suurta gelisay in si fudud ay u isticmaalaan gaadiidka iyo dadka lugaynaya, iyadoo kor u qaadeysa isku xirka xaafadaha magaalada iyo Gerbooda.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Abdullahi Ali Watiin, oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden iyo heyโadda NRC taageerada ay la garab taagan yihiin degmada, isagoo ballan qaaday in Dowladda Hoose ay dhameystiri doonto qaybo ka mid ah Wadadaan,
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu Dowladda Sweden ka codsaday in ay gacan ka geystaanย dhameystirka inta kale ee dhiman, si loo xaqiijiyo in wadada si buuxda ugu adeegto bulshada.
Dhismaha Wadada Gasha Gerbooda ayaa ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Baydhabo, kuwaas oo kor u qaadaya bilicda iyo isku socodka ganacsiga magaalada , Maamulka Degmada Baydhaboo Ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu hormarinayo Magalada Baydhabo.
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ข๐ฑ๐ข๐ข ๐๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง ๐๐ก, ๐๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ;
๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ & ๐๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ย ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐๐จ
๐-๐ฆ๐๐ข๐ฅ: ๐๐๐ข๐๐จ๐๐๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ข๐๐ญ.๐ข๐ง๐๐จ@๐ ๐ฆ๐๐ข๐ฅ.๐๐จ๐ฆ