Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Oo Shir Guddoomiyey Kulan Lagu Qiimeynayey Mashaariicda Wadooyinka Capable Stone
𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼:𝗝𝗮𝗻,𝟮𝟭-𝟮𝟬𝟮𝟱 Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dib-u-eegista faa’iidooyinka laga dhaxlay mashaariicda dhismaha wadooyinka Capable Stone ee laga hirgeliyey xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo, iyo sidoo kale xalinta caqabadaha weli taagan. Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha Haweenka Degmada, […]









