Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo Kulan La Qaatay Guddoomiyeyaasha Xaafadaha si Looga Wada Hadlo Horumarinta Magaalada
Baydhabo, 13 Luulyo 2025 Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdullahi Ali Watiin, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay guddoomiyeyaasha tobanka xaafadood ee magaalada Baydhabo iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha dowladda hoose. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha horumarineed ee magaalada, gaar ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa naqshadeynta magaalada.









